Afartameeyo Suxufiyiin iyo Shaqaale Warbaahineed oo lagu dilay Dalalka Carbeed.

Shabakadda Difaacayaasha Xorriyadda Warbaahinta Dunida Carabta (The Defenders of Media Freedom in the Araab World Network) ayaa shaacisay in ka badan 44 Saxafi iyo Shaqaale Warbaahineed la dilay tan iyo bilowgii sannadkan 2015-ka.

Warbixinta Shabakadda Difaacayaasha Xorriyadda Warbaahinta Dunida Carabta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SANAD, ayaa lagu xusay  in bishii September ee la soo dhaafay la dilay 6 Suxufi oo ay ku jireeen 4 Weriye oo ay Dagaalamayaasha Daacish ku dileen gudaha dalka Iraq.

Saxafi kale ayaa lagu dilay caasimadda dalkaasi ee Baqdaad, mana kala cadda kooxdii dilkaasi geysatay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in ay Dagaalamayaasha Daacish 19 Saxafi iyo Shaqaale Warbaahineed ku dileen dalka Iraq tan iyo bilowgii sannadkan 2015-ka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Askarta Yuhuudda iyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen geysteen gaboodfalkii ugu sarreeyey ee lagu waxyeelleeyo Suxufiyiinta ka hawlgala Dunida Carabta.

Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay Suxufiyiinta u geysteen 77 gaboodfal, halka ay Askarta Yuhuudda u geysteen Suxxufiyiinta Falastiinta.

Waxaa la diiwaan geliyey 76 Tacadi oo ay kula kaceen Suxufiyiinta Falastiiniyiinta ka hawlgala Daanta Galbeed ee Dhulka Falastiin ee ay Yuhuudda xoogga ku qabsadeen.

Shabakadda Difaacayaasha Xorriyadda Warbaahinta Dunida Carabta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SANAD oo Xarunteeda Dhexe ku taallo caasimadda dalka Jordan aa Cammaan waxay sheegtay in Tiradda Guud ee Suxufiyiinta la dilay tan iyo sannadkii 2012-kii gaarayaan 225 Saxafi.

Si kastaba ha ahaatee, Difaacayaasha Xorriyadda Warbaahinta ka hawlgala  Dunida Carabta waa Shabakad ay ku mideysan yihiin Ururradda Bulshadda Rayidka, waxay ilaalo ku hayaan, isla markaana diiwaan-geliyaan Tacadiyadda iyo Weeraradda khatarta lagu gelinayo Nolosha Suxufiyiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor