Afartameeyo Qaxooti Soomaaliyeed oo loo diiday in magangelyo laga siiyo dalka Mesedooniya.

Weriye Diego Cupolo kana  tirsan Idaacadda Deutsche Welle  ee Jarmalka ayaa waxa uu dhawaan booqday Xuduudka dalka Mesedooniya, halkaasi oo ay ku dhibaataysan yihiin Afartameeyo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ay Dowladda Mesedoniya u sheegtay inaan la qaabili karin, maadaama ay Somalia haatan ka jirto Dowlad iyo Deganaansho.

Mohamed C/qaadir iyo afar carruur oo uu dhalay ayaa iska jooga meel 25 Tallaabo u jirta Xeradda  Qaxootiga ee Idomeni Refugee Camp ee ku taalla xuduudka Giriigga la wadaago dalka Mesedooniya.

Waxay iska daawanayaan Qaxootiga Suurya, Afganistan iyo Ciraaq oo loo oggolaanayo inay gudaha u galaan dalka Mesedooniya.

Mohamed C/qaadir iyo ku-dhawaad 45 Somali waxaa looga xayiray inay galaan dalkaasi ayaa ah iyadoo ay Dowladda Mesedoniya soo saartay Sharci lagu joojinayo Tahriibayaasha ka soo jeeda dalalka aysan colaadaha ka soconin “Non-conflict Zones”.

Mohamed C/qaadir waxa uu u sheegay Weriye  Diego Cupolo inuu ahaa Milkiile leh Baae, balse uu uga soo qaxay Somalia, kadib, markii ay jir dileen Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu Weriyaha u sheegay inuu ilaa iyo hadda xanuun ka dareemayo dhabarka oo uu xusay in  qori baadkiisa dhabarka looga garaacay, waa sida uu Ninkaasi u sheegay Idaacadda Jarmalka ee DW.

Dhinaca kale, Abdirashid Ali Maalin oo ah Saxafi Somali deggan magaalladda Frankfurt ee dalka Jarmalka, balse caawiya Qaxootiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhamaan si fiican lagu wada noolaado.

Waxa uu intaasi ku daray inuu qof kasta leeyahay Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay inusan jirin qof noo sheegi kara “Waxaad tihiin dad u dhashay dal hebel, mana lihidiin Xuquuqda Aadanaha”.

Madaxa Kooxda Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee Idomeni Refugee Camp, Luca Guanziroli ayaa sheegay in dadka aan u dhalanin dalalka Syria, Afganistan iyo Iraq waa inay joogaan xuduudka dalka Giriiga, oo ay sugaan inta looga furi doono Xadka Mesedooniya.

© Radio Dalsan                 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor