Adeegii Intermet-ka Fibre Optic oo Mudo kadib Dib u soo laabtay

25,kii Bishii Jun xili habeen ah lana sugayo Maalinta Koowaad ee Ciidul fidriga ayaa Guud ahaan koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa laga waayay Qadkii Internet-ka oo ay siweyn u isticmaali jireen qeybaha kala duwan e Bulshada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigaas Shaacisay insababta  qadka Internet-ka uu u maqan yahay ay tahay in Cable,kii soo marayay Badda dhexdeeda uu jaray Markab sidaas darteedna la bilaabi doono sidii loo sameyn lahaa Internet-ka.

Shacabka intiisa badan ayaa aad uga xumaa maqnaansha Internet-ka waxaana uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Ganacsiga iyo nolol maalmeedka caadiga ahaa.

Qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta sicaadi ah looga isticmaalayaa Qadka Internet-ka,iyada oo shirkadaha keena qaarkood sida Somtel, Hormuud iyo Global ay dadki istcimaalayaan.

Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Cansuur Xasan ayaa hada Saxaafda isugu yeeray isaga oo faah faahin Guud ka siin doona maqnaanshihii  Internet-ka iyo qaabkii lagu helay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media