Aabiteey aad u weyn (Giant kite) oo ku habsatay dad ku xoonsanaa Bartamaha dalka Japan

Aabtiyey culayskeedu dhamaa 700 Kg ayaa la sheegay inay ku soo habsatay dad ka qeyb galayey Munaasabad-sannadeed  loogu dabaal-degayey Dabaaldegga Aabiteyda Weyn (the annual Big Kite festival) oo maalintii Axadda ee la soo dhaafay lagu qabtay magaalladda Higashiomi ee dalka Japan.

Afar qof oo uu ka mid ahaa oday da’ ayaa ku dhaawacmay shilkaasi, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii daawanayey Aabiteyda.

Waxaa la sheegay in aabiteyda oo cabirkeedu ahaa ku-dhawaad 200 mitirsi kedis ah u soo dhacday iyadoo hawada ku biibaysa (ku duulayso).

Aabiteyda ayaa la sheegay inuu dhererkeedu ahaa 13 metres (43 feet), wuxuuna culayskeedu dhaamaa 700 kg oo u dhiganta 1,540 Pounds.

Boliska ayaa sheegay inuu Oday 73 jir oo ku dhaawacmay Aabiteyda soo dhacday uu weli Isbitaalka ku jira, isagoo miyir la’.

Sidoo kale, saddex qof oo uu ku jiro wiil 7 jir ah ayaa waxa soo gaaray dhaawacyo.

Dhinaca kale, sannadkii 2004-tii, 8 qof ayaa ku dhaawacmay, kadib, markii uu Aabitey culayskeedu dhamaa hal tan (one tone) ku soo dhacday dad ku xoonsanaa Degmadda Kanagawa oo ku dhow caasimadda dalka Japan ee Tokyo.

Inta badan Aabiteyda waxaa aad  loo isticmaali jirey xilliyadda carruurnimadda, oo lagu tartami jirey.

Waxayna Aabiteyda ciyaalka Soomaalida isticmaalaan ka kooban tahay waraaq, qoryo nooca Baal-makuuti, dun ama ukur iyo maro dub ahaan looga dhigo.

Dad badan ayaa xusuusta xilligii ay Aabiteyda ku biibin jireen Xaafadaha Muqdisho, waxaana Aniga xusuustaa markaan yaraa oo aan degganaa  Degmadda Waaberi.

Reer Waaberi oo dhan waa slaaaman tihiin.

ABITEEY 1 ABITEEY 3 ABITEEY 5 (1) ABITEEY 5

Waxaa Turjumay: Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor