Aabe iyo Wiilkiisa oo lagu dilay Magalada Gaalkacyo

Nin hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland waxa uu ku dilay Aabe iyo Wiil uu dhalay,iyada oo ninkaas dilka eeystay Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

Aabaha iyo wiilkiisa ayaa la sheegay in Nin hubeysan oo madaxa looga jiro uu rasaas ku furay xilli ay fadhiyeen banaanka hore ee  Hotel Yaaasiin ee Gaalkacyo,waxaana Aabaha Magaciisa lagu sheegay  Sheekh Xasan saalax ismaaciil.

Allaha u naxariistee Sheekh Xasan saalax ayaa ka mid ahaa Culumada dadka qur’aanka saara ee caanka ka ah Magalada Gaalkacyo,balse xalay lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo.

Laamaha amniga Puntland iyo Maamulka Magalada Gaalkacyo weli wax faah afahin ah kama bixin dilka xalay Waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Caanka ahaa magaaladaas iyo Wiilkiisa.

Sikastaba Bishaan gudaheeda ayaa Gaalkacyo waxaa lagu dilay xildhibaan ka tirsan Maamulka Puntland iyo mid ka.mid ah ilaaladiisa kadib markii weerar lagu qaaday xilli ay fadhiyeen banaanka hore ee hotel ku yaalla Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media