Aabaha dhalay mid ka mid ah Dagaalamayaashii Alshabaab ee weerartay Jamaacadda Garissa oo u baqanaya noloshiisa

Nin la sheegay inuu wiilkiisa ka mid ahaa afartii dagaalyahan ee ka tirsanaa Alshabaab ee weerartay Jamaacadda Garisa ayaa la sheegay inuu dhuiumalaysi galay, isagoo ka baqanaya in la dilo.

Caaqil C/llaahi Maxamed Daqare oo ah aabaha dhalay C/raxiim C/llaahi Mohamed Daqare ayaa la sheegay inay Hay’addaha Ammaanka kula taliyeen inuusan la hadlin Warbaahinta.

Wargeyska The Star ayaa maanta qoray in  Caaqil C/llaahi Mohamed Daqare oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Buulo Jamhuuriya ee magaalladda Mandheera uu shalay ka caraabay Hotelka ama Loojka Alxamuudi ee  ku yaalla waddada 12thStreet ee Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Wargeyska waxa uu qoray inaan la ogeyn halka uu u baqoolay, iyadoo uu Mobaylkiisa hawada ka maqan yahay.

Mid ka mid ah Saaxiibadda Caaqil Daqare oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inuu dhuumaalaysi galay, si aysan ula kulmin Saxaafadda iyo inaysan noloshiisa khatar gelin.

Dhinaca kale, qoyska Caaqil C/llaahi Maxamed Daqare oo ku sugan magaalladda Mandhera ayaa la sheegay inay ku nool yihiin cabsi, kana baqanayaan inay dhibaato kala kulmaan ciiddanka Ammaanka iyo kooxaha kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor