Al-Shabaab oo sheegtay weerar ka dhacay degmada Hodan

Waxaa xalay Fiidkii Bam Gacmeed lagu weeraray guri uu deganaa gudoomiyihii hore ee degmada hodan Axmed Salaad Ibraahim kaas oo ku yaala qeybo ka mid ah degmadaasi Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Weerarkaas Bambaano ayaan wax khasaaro ah ka dhalan sida ay Dalsan u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan.

Al-Shabaab ayaa waxa ay shegeen in ay weerareen Guriga Gudoomiyihii hore ee degmadaasi hodan Axmed Salad Ibraahim in gudoomiyihi hore uu sidirqi ah kaga badbaaday weerarka ay doonayeen in ay ku dilaan .sida lagu qoray Baraha Intarnetka ee Al-Shabaab ay maamulaan.

Xiriir aan la sameynay gudoomiyihii hore ee degmada Hodan oo weerarka lagu qaaday ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino Bam Gacmeedka xalay lagu weeraary gurigiisa ku yaalla degmada Hodan