9 sanno kadib, Ciiddanka Uganda oo ku naaloonayso inay guul ka gaareen Hawlgalka AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in loo dabaal-dego sannad-guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay markii ay Ciiddanka Uganda yimaadeen Somalia bishii Maarso 6-dii ee sannadkii 2007-dii.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Monitor waxa uu sheegay inay caqabado badan kala kulmeen Alshabaab markii ay Ciiddanka Uganda ka soo degeen Garoonka Muqdisho, wuxuuna xusay inay Alshabaab iyo Ururkii Xisbul-islaam bilaabeen inay beegsadeen Ciiddanka Uganda.

Paddy Ankunda waxa uu xusay markii ay Ciiddanka Ethiopianka ka huleeleen Somalia bishii Janaayo ee sannadkii 2009-kii inay culaysyo adag kala kulmeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

Bishii Feberaayo isla sannadkaasi waxay Alshabaab Isqarxin Mataano ah la beegsadeen Ciiddankii Burundi ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, waxaana qaraxaasi ku geeriyootay 11 Askari Burundian a, halka 15 kalena ku dhaawacmeen.

Isqarxin kale oo ay Alshabaab geysteen bishii September ee isla sannadki i2009-kii waxaa lagu dilay 17 Askari oo Ugandese ah oo uu ka mid ahaa Ku-xigeenka Taliyihii Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, Sarreeye Guuto Juvenal Niyoyunguruza.

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Aronda Nyakairima waxa uu sannadkii 2012-kii Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu u malaynayey inay Alshabaab ku sii riixayeen Ciiddankiisa inay ku hoobtaan Badda Muqdisho.

Ciiddankaasi waxay bishii September ee sannadkii 2014-kii u suurtogashay inay Alshabaab kala wareegaan magaalladda Baraawe oo Alshabaab u ahayd Xarun Dhexe, waxayna Ciiddankaasi qeyb ka qaateen Hawlgalkii duqeynta ee ay Droneska Maraykanka ku dileen Hoggaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda waxay haatan u muuqdaan kuwo aan qabin cabsidii ay qabeen 9 sanno ka hor, iyadoo Afhayeenka Ciiddanka Uganda sheegay inay Alshabaab riixeen ilaa 200-KM.

Xiagsho: The Monitor

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor