8 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku burburtay Kuuba.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Ciiddanka Kacaanka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaasi oo ay Milliterigu lahaayeen ku burburtay Gobalka Artemisa ee W/Galbeed ee dalkaasi.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa ANTANOV 26 o oLaba Matoorey ahayd ayaa ka soo duushay Degmadda Playa Baracoa ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Havana, waxayna ku burburtayDhulka Buuraleyda ee Loma de la Pimienta.

Warbaahinta Dowladda Kuuba ayaa sheegtay inay Diyaaradaasi ku wada geeriyoodeen 8-dii qof ee la socotay oo ay ku jireen Duuliyayaashii Diyaarada.

Guddi ayaa loo xil-saaray baaritaanka Diyaaaradaasi oo lagu farsameeyey dalka Yukrayn muddo haatan laga joogo 51-sanno.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media