Waxyeelo soo gaartay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Somaaliland kadib markii…

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya waxyeelo ka soo gaartay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Soamaliland kadib daad qaaday Gaari ay la socdeen oo marayay tuulo magacaabo  Sac-Waraabis oo hoostagta Magaalada Boorama.

Masuuliyiinta waxyeelada ka soo gaartay Gaariga uu daadka qaaday ayaa waxay kala yihiin gudoomiyaha degmada lagu magacaabo Xariirada oo hoostagta degamda Boorama kaas oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Xasan Guuleed halka uu dhaawac ka soo gaaray Wasiirkii Ciyaaraha Maamulka Somaaliland Cabdirisaaq Waabari Rooble iyo Sadax Ruux oo la socotay.

Xaalada Wasiirka Cayaaraha iyo dadkii la socday ayaa caawa la sheegayaa in xaaladooda ay wanaagsan tahay kuwaas oo kala ahaa 2 kamid ah ilaaladiisa iyo Wariye ka tirsan Star  Tv,islamarkaana Gaarigii ay wateen uu gebi ahaanba dadkii uu la tagay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in xaaladoda caafimaad dadkii dhaawacmay lala tacaalayo waxaana jirta in dhowr mar sidaan oo kale  daad uu qaaday Gawaari ay la socdeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Somaaliland waxyeelana ay ka soo gaartay.