Muwaadin Maraykan oo lagu dilay qarax ka dhacay Bariga Ukraine.

Ninkaasi ayaa xubin ka ahaa Ururka  Ammaanka iyo Iskaashiga Europe ee ku sugan dalka Ukraine, waxaana uu geeriyodoay, kadib, markii ay miino la kacday gaarigii uu ku safrayey.

Shilkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay 2 ka mid ah Guddigaasi ee OSCE.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rex Tillerson waxa uu dhacdadaasi dilka shalay kala hadlay Madaxweynaha dalka Ukraine, Petro Poroshenko.

Hadal ka soo baxay Hay’adda OSCE.ayaa lagu sheegay inuu dilkaasi yahay kii ugu horreeyey ee ay la kulmaan xubnaha Guddigaasi ee ilaaladda ka haya dagaalka Ukraine.

Ku-dhawaad 700 Goobjoogayaal Caalami ah ayaa gacan ka geysanayo sidii loo qaboojin lahaa Colaadda Bariga Ukraine oo saamayn ku yeeshay Xiriirka Raashiya iyo Dalalka Reer Galbeedka.

©Radio Dalsan