“600 oo milyan oo Dollar ayaa ku jirta Adeega EVC” Bankiga Dhexe

Sarkaal ka tirsan Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa u sheegay Radio Dalsan in Shirkadda Hormuud codsatay in Bangi ahaan loogu diiwaan-geliyo Lacagaha ugu kaydsan Adeeega NIdaamka EVC-da.

Sarkaalkaasi oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa tilmaamay inay Madaxda Hormuud codsigooda ku soo lifaaqeen in Adeegga EVC ku xiran yahay Bangiga Salaama ee maamul ahaan hoos taga Shirkadda Hormuud.

Bangiga Dhexe ee Somalia waxay ka baaraan degayaan Codsigaasi,iyadoo Saraakiil ka tirsan Bangiga ay wada tashiyo la leeyihiin Saraakiil ka tirsan Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF), si loo ogaado inay Hormuud baal mareen Shuruucda  Sharciyadda Caalamka uga degsan Nidaamka Adeegga Lacagaha lagu kaydsado Mobaylka ee EVC.

Hay’adaha Bangiga Adduunka (World Bank) iyo IMF waxay  sanadahan ku mashquulsan yihiin Dib-u-jiheynta Nidaamka Dhaqaalaha Somalia iyo in la qaabeeyo Nidaamka Bangiyeed ee Somalia iyo inuu la jam qaado Nidaamka Bangiyadda Caalamka.

Dhinaca kale, Aqoonyahan ku xeel-dheer Cilmiga Dhaqaalaha oo la hadlay Radio Dalsan waxa uu si kulul u naqdiyey Nidaamka EVC oo uu ku tilmaamay inuu meesha ka saaray Wareegga Lacagta Shillin Soomaaliga ee Suuqa, isla markaana uu dhaliyey Sicir barar saamayn ku yeeshay dadka danta yar iyo kuwa saboolka ah.

Aqoonyahanka oo codsaday inaan magaciisa iyo codkiisa la soo xiganin waxa uu tilmaamay in Nidaamka EVC horseeday in Lacagta Shillin Soomaaliga ku yimaado Qiimo-dhac iyo inuu suuqa ka baxo, isla markaana ay Shaqsiga Saboolka iyo kan wax haysta isku qaab ugu adeegtaan Lacagta Dollarka Maraykanka.

Aqoonyahanka waxa uu is-barbar dhigay Adeegga EVC iyo Adeegga la midka ah ee laga istcmaalo Kenya ee loo yaqaano M-PESA, oo ay Shirkadda Telefoonadda ee Safaricom maamsho.

MPESA

Waxa uu tilmaamay in Nidaamka M-PESA, lagu saleeyey Shillinka Kenya, balse Adeegga EVC-da Hormuud lagu saleeyey Qiimaha Dollarka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Adeegga EVC oo ay ku diirsadeen dadyoowga Soomaaliyeed ee ku isticmaala telefoonadooda,  balse waxa uu saamayn ku yeeshay xaalada dhaqaalaha Somalia, wuxuuna  Adeegaasi  dhaawacayo  kobaca dhaqaale ee dalka iyo qiimaha shillinka  Soomaaliga .

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media