6 Ruux oo Biriq ku dishay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaah Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in tuulo hoostagta degmadaasi ay biriq soo dhacday dad farabadan ku dishay.

Saacadaihii lasoo dhaafay ayaa Roob waxa uu ka da’ayay tuulada Farxaane oo 3km u jirta degmada Qortooleey,waxan biriqda ay sababtay geerida lix Ruux sida ay Dalsan u sheegeen dadka ku nool tuulada Farxaane.

Dadka Biriqda ay dishay ayaa la soo sheegayaa in ay ahaayeen dad beeraley ah,isla markaana dhamaantood ay geeriyoodeen,waxana gurmad u sameeyey dadka ku nool tuulada Farxaane.

Sikastaba 23-kii Bishii April ayaa  deegaanka Ari Caddays oo 30km dhanka koonfur galbeed ka xiga degmada Cabuudwaaq ee gobalka Galgaduud wax ay biriq ku dishay lammaano aroos ahaa oo ku sugnaa deegankaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media