55-guuraddii ka soo wareegtay Xorriyadda Goballadda Waqooyiga Somalia oo maanta loo dabaal-degayo

Waxaa maanta bilaabantay Toddobaddka Xorriyadda Somalia, iyadoo ay dadka Soomaaliyeed u dabaal-degayaan markii ugu horreysay oo ay  Goballadda Waqooyiga Somalia xorriyadda ka heleen Gumeystihii Ingiriiska.

Helitaanka Xorriyadda kuma imaanin si fudud iyo in Gumeystayaasha hayin loo noqday, balse waxaa Xorriyadda lagu helay iyadoo loo soo galay Halgan Gobanimadoon ah, oo ay Muwaadiniin badan naftooda qaalliga u hureen sidii la isaga dul qaadi lahaa Heeryaddii Gumeystayaasha.

Maanta oo kale, 26-ka June 55 sanno ka hor, waxaa Calanka Somalia markii ugu horreysay laga qotomiyey Beerta Xorriyadda ee magaalladda Hargeysa, halkaasi oo ay isugu baxeen Kumanaan Waddaniyiin ah oo ku faraxsan Madax-bannaanida ay heleen.

Dabaaldegga iyo Farxadda Xorriyaddii Goballadda Waqooyi ee Somalia, waxaa lagu soo bandhigay Khudbado iyo Suugaan ka turjumaysa Hamuunka loo qabay Xorriyadda, waxaana halkaasi ka hadashay Siyaasiyiin, Halgamayaal iyo Waxgarad badan.

Suugaanta lagu soo bandhigay Fagaaraha Hargeysa waxaa ka mid ah Gabayga caanka baxay ee Kanna Siib, Kana Saar ee uu ku luqeeyey Allaha U naxariisto Gabyaaga geeriyooday ee C/llaahi Suldaan Tima-cadde.

Waxaa kaloo Fagaaraha Hargeysa lagu soo bandhigay Heesta caan baxday ee Aan Maalno Hasheenna ee uu ku luqeeyo Fannaanka geeriyooday, Allaha U naxariistee Maxamed Axmed Kuluc, waxayna suugaantaasi ka mid yihiin  Heesaha Waddaniga ee  Xusuus Qaran leh.

Markii ay Goballadda Waqooyiga Somalia xorriyadda u curatay 55 sanno ka hor, waxay iyagoo hilowsan u yimaadeen Walaalahooda ku nool Goballadda Koonfurta Somalia, oo iyagu neecawda xorriyadda helay  bishii July 1-da ee iska sannadkii 1960-kii.

Walaalaha Soomaaliyeed ee ay Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga kala qoqobeen ayaa waxa Alla mahadiisa u suurto-gashay inay midoobaan bishii July 1-dii ee sannadkii 1960-kii, waxayna wada dhisteen Qaranka mideysan ee Somalia.

Waxay si kalsami leh u wadaageen Xilalka Dowladnimo, gaar ahaan Barlamaanka iyo Xukuumaddii ugu horreysay ee ka hanaqaada geyigeenna Somalia.

Midnimadda ayaana sii xoogeysatay sannadba sannadka ka dambeeya,balse waxay Midnimaddii mugdi gashay sannadihii 1980-aadkii, xilligaasi oo Dowladdii Milliteriga ee talada dalka haysay ay Walaalaha Waqooyi kula kaceen caburin, jirdil, xarig iyo dil.

Nacaybka Siyaasadeed ee Walaalaha ku nool Waqooyiga ku beermay xilligaasi ayaa ahaa mid ay Walaalaha kale ee Somalia la qabeen, waxaana taasi laga dheehan karaa Kacdoonkii Shacabka ee xididida loogu siibay Dowladdii Kacaanka.

Laakiinse, markii Dowladdii Milliteriga xilka laga tuuray, waxaa soo baxay Siyaasiyiin u ololeeyey inay cuqdad kala dhex dhigaan Walaalaha Soomaaliyeed, isla markaana kala dhantaalayo Midnimadda iyo Qaranka Somalia.

Waa hubanti inay Siyaasiyiinta noocaasi ah yihiin Qaran-diidayaal u arka inaysan Midnimadda Somalia ka heli karin danahooda gaarka, isla markaana ay door biday inay iska noqdaan Qas-wadayaal u ololeeya sidii ay u kala qoqobi lahaayeen Ummadda Soomaaliyeed ee Walaalaha ah.

Si kastaba ha ahaatee, Farxadda 55-guuraddii  ka soo wareegtay Xorriyadda Goballadda Waqooyiga Somalia ayaa waxay tahay mid ku xardhan  Qaluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan Waddaniyiinta jecel dadka iyo dalka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor