50 qof oo ku dhimatay Dooni ku dagtay webi ku yaa dalka Congo

Waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sheegaya in dad badan lagu la’yahay webiga Momboyo ee gobolka waqooyiga ee Tshuapa, kaddib markii ay halkaasi ku degtay doonnidii ay dadkaasi saarnaayeen.

Saraakiisha dalka Burundi ayaa BBC u sheegay in 49 qof la la’yahay kaddib markii ay degtay doonay saarnaayeen.

Ku dhawaad 50 qof oo kale oo saarnaa doontaasi ayaa lasoo sheegayaa inay ka badbaadeen shilka.

Doontan ayaa ku socotay inta u dhaxeyso magaalooyinka Monkoto iyo Mbandaka ee dalkaasi.

Waxa sababay in doonta ay degto ayaanan wali cadeyn.

Balse Dalkaasi Jamhuuriyda Dimoqaraadiga ee Congo ayaa waxaa caadi ka ah In lagu safro doomo aad u buux dhaafa, maadaama wadooyin badan oo dalkaasi ah ay yihiin kuwa aanan la isticmaalin.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shuwaaba oo ah goobta ay doontu ku degtay ayaa sheegaya in kooxaha gurmadka ay kusii jeedaan goobta uu shilku ka dhacay, halkaasi oo meydad badan aana wali laga soo saarin.

Bishii lasoo dhaafay in ka badan 40 qof oo doonay ay inay gaaraan dalka dariska la ah ee Congo Brazavile ayay doon la degtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media