Somalia oo cagta saartay Bilow cusub.

Maanta, waxaa diiradda la saarayaa dhamaan Wada-xaajoodyadda gudaha Somalia iyo dhamaan Saaxiibadda iyo Beesha Caalamka looga hadlayaa Mustaqbalka iyo Doorashadad soo socota ee 2016-ka.

Arrintaasi waxay bilowgii u muuqatay wax khiyaali ah. Waxaa iska cad in rajada Doorashadda Hal qof iyo Hal Cod  ee sannadkan suurtoobin, oo dib loogu dhigay ilaa Doorashadda kale ee 2020-ka.

Somalia waxay khibrad u leedhaay mid ka mid ah dagaalladii sokeeye ee ugu xumaa Taariikhda casriga.

Natiijadda ayaa noqotay in Hay’addihii Dowladda iyo kuwii Gaarka iyo Xarumihii Dowladda ku burbureen Dagaaladii Sokeeye.

Soomaalidii ka baxsan kartay colaadahaasi wey ka tageen Somalia, halka kuwa nasiibka yar leh sannooyin ku dhex sugnaayeen Sharci la’aan iyo Qaran burburay.

Inkastoo ay Somali sharci la’aan ahayd, haddana Dowladihii KMG ee sannadihii 2000 ilaa 2012-kii waxay hubanti kadhigeen inay sii socodsiiyaan qiimaha Dowladnimadda.

Dowladdii KMG ee ugu horreysay waxaa lagu asaasay Carta, Jabuuti, waxaana ka qeyb galay xubno matalayey Odayaasha Beelaha.

Taasi waxay sii socotay ilaa sannadkii 2012-kii, xilligaasi oo ay 135 Odayaal Beeleed xusheen Barlamaan ka kooban 275 Mudane, kuwaasi oo iyagana sii doortay Madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Kuwo badan oo wax naqdiya waxay su’aallo ka keeneen farqiga u dhexeeya horumarka doorashadda ee Dowladda Federalka iyo Dowladii KMG ee ay xilka kala wareegtay.

Khilaafyaddii Siyaasadda ee u dhexeyn jirey Madaxweynaha, Ra’isul-wasaarayaashii iyo Mudanayaasha Barlamaanka, waxaana shaki ku jirin inuu Khilaafkaasi dib u dhigay Siyaasadda iyo Qorshaha Dowladda, oo ay ku jirto Doorashadda Hal Qof iyo Hal cod.

Dowladda Federalka waxay dabayaaqadii sannadkii hore sheegtay inay ku fashilmeen in la qabto Doorashadda Hal qof iyo Hal Cod.

Beesha Caalamka waxay si la-yaab leh u qaabileen Go’aankaasi, balse waxaa la dareensan yahay inay iska cadahay in doorasho kasta kawanaagsan tahay Doorasho la’aanta.

Dadaal badan oo xiriir ah oo Madasha Wada-Tashiga Qaranka ayaa  lagu qabtay Dowlad-gobaleedyadda iyo caasimadda Muqdisho, waxaana qeyb gaar ah loogu talagalay Somaliland.

Dowladda Federalka waxay bishii Janaayo 28-dii ee sannadkan shaacisay Nidaamka Doorashooyinka ee sannadka 2016-ka.

Aqalka Hoose ee Barlamaankawaxa uu ka koobnaan doonaa 275 Xildhibaan oo lagu soo dooranayo Nidaamka  4.5, iyadoo Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubnood lagu soo dooranayo Nidaamka Deegaamaynta.

48 xubnood waxaa loo qeybsanayaa si isla eg, iyadoo 6 xubnood wadaagayaan Maamulladda Puntland iyo Somaliland.

Hadafka weli socday tan iyo doorashaddii 2012-kii ayaa ah baahida loo qabo in Haweneyda 30% laga siiyo Labada Gole ee Barlamaanka, iyadoo aan saamigaasi wax badan laga qabanin doorashaddii 2012-kii.

Doorashadda 2016-ka waxaa kaloo laga doonayaa in Xuquuqda Beelaha laga tiro badan yahay lagu dhowro Aqalka Hoos iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Xaqiiqdii, dadka Soomaalida waxay haatan ka wada xaajoonayaan, isla markaana isku diyaarinayaan Doorashooyinka oo muhiimad dheeraad leh marka loo eego kuwii hore.

Si loo hubiyo inay Doorashadda si xaq ah ku dhacdo, waxaa Dowladda Federalka laga doonayaa in la casuumo dhamaan Goobjoogayaasha danaynaynayo Doorashadda ee ka kala socdo.

Faahfaafinta Maqaalkan oo aan ka soo xiganay  Hay’adda Madaxa Bannaan ee La-talinta iyo Wacyi-gelinta ee Act for Somalia oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Muqdisho ee booqo: www.actforsomalia.com