3 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xilli uu marayey meel u dhow Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa wax ay sheegeen in qaraxaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamadii gaariga saarnaa iyo dad Sahcab ah oo goobta qaraxa uu ka dhacay marayey.

Inta la xaqiijiyey 3 Ruux oo Sahcab ah ayaa qaraxaas ku geeriyootay halka 2 Askari ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad tegay goobta uu qaraxa ka dahcay oo ah inta u dhaxeysa Haantadheer iyo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye.

Dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wiil u dhalay Nin ka Ganacsada Geella ee ka keena Afgooye kaas oo Magaciisa lagu sheegay Ciise.

Goobta uu qaarxa ka dhacay ayaa dhowr mar sidaan oo kale waxaa qarax miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kaas oo ay ku waxyeeloobeen ciidamada dowladda ee laal beegsaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media