3-da May: Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka

Iyadoo maanta loo dabaaldegayo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka, ayaa waxay Suxufiyiinta ka hawlgala qeybaha kala duwan ee Warbaahinta isugu hambalyeynayaan Munaasabadaasi, waxaana socda Munaasabado lagu xushmeynayo hawlaha Xirfadleyda Saxaafadda.

Hawsha Saxaafadda ayaa ah Hawl baaxad ballaaran, waxayna dadka ka hawlgala noqdeen Dhibanayaal u nugul xadgudubyadda ay geystaan Dowladaha, Hay’addaha Sirdoonka, Ammaanka iyo Kooxaha kale ee ka soo horjeeda Xorriyadda Saxaafadda.

Dowladaha Caalamka laguma wada ammaani karo inay dhowraan Xorriyatul-qoolka, iyadoo la og yahay inuu qof kasta xor u yahay inuu soo bandhigo Fekerkiisa.

Laakiinse, waxaa jira Dowlado, Siyaasiyiin, Hay’addo iyo dad aysan u cuntami karin in Tooshka Saxaafadda lagu ifiyo qaladaadka taagan ama in raadraacyo lagu sameeyo dhacdooyin ay ka mid yihiin Fadeexadaha Dowladaha, Musuqa, Siyaasiyiinta tacadiyadda geysta, Maxaabiista muddada badan bilaa Maxkamadda la iska hayo iyo in loo kuur-galo cabashooyinka qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Waddankeenna Somalia ayaana ka mid ah dalalka ay ka dhaceen Tacadiyadda badan, waxaana tan iyo sannadkii 1991-kii la dilay Kontameeyo Saxafi oo ka hawl geli jirtay qeybaha kala duwan ee Saxaafadda Maxaliga.

Tacadiyadda dilalka, jirdilka, xabsiga iyo caburinta lagu hayo Suxufiyiinta iyo Xarumaha Warbaahinnadda ayaana laga markhaati kici karaa inay yihiin Tusaalooyinka ugu nugul ee la hadal-hayo.

Dhibanayaasha Suxufiyiinta Soomaalida ayaa waxay noqdaan kuwo basiid ah marka loo eego Tacadiyadda  ay la kulmaan Suxufiyiinta ku nool Tobanka Waddan ee tacadiyadda ugu xun loogu geystay Bahda Saxaafadda.

Sida lagu xusay Qiimeynta Sannadlaha, waxaa Dowladaha aadka u dhibaateeya Suxufiyiin yihiin kuwa haatan ka taliya tobanka waddan ee hoos ku qoran:-

  1. Eritrea
  2. North Korea
  3. Saudi Arabia
  4. Ethiopia
  5. Azerbaijan
  6. Vietnam
  7. Iran
  8. China
  9. Myanmar
  10. Cuba

Qiimeynta Malinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka(World Press Freedom Day), waxaa kaloo lagu sheegay inay Dalalka sida xooggan loogu dhowro xuquuqda Xorriyadda Hadalka iyo Suxufiyiinta ayaa kala ah:-

  1. Switzerland:
  2. Iceland
  3. Denmark
  4. Norway
  5. Canada

Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta (CPJ) ayaa sannadkan diiwaan gelisay in dalka Maraykanka hoos uga dhaca sannadkan heerka xushmeynta Suxufiyiinta.

 

Dowladda Maraykanka ayaa lagu eedeeyey inay dhowr jeer sannadkan ku xad-gudbeen Suxufiyiinta, iyadoo Dowladda Maraykanka la sheegay inay Suxufiyiinta ku samayso basaasnimo.

 

Wadadmadda kaalimaha ugu hooseeya kaga jira Qiimeynta sannadkan ee Tacadiyadda lagula kaco Suxufiyiinta.

Rwanda waxay kaalinta 154-aad kaga jirtaa Qiimeynta Guud ee 180-ka waddan ee Caalamka.

 

Tan iyo sannadkii 1992-kii, dalka Rwanda waxaa lagu dilay 17 Suxufi.

Wadadnka Syria waxa uu kaalinta 156-aad ka galay Qiimeyntaasi, iuyadoo 14 Suxufi la dilay tan iyo sannadkii 1992-kii.

Burundi waxay Kaalinta 157-aad kaga jiraan Qiimeynta Sanandlaha ee CPJ.

 

Lama soo werinin Weriyayaal lagu dilay dalakaasi tan iyo sannadkii 201-kii.

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,

Dalsan Radio. Mogadishu, Somalia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor