34 Dowladood oo ay Somalia ku jirto oo ku dhawaaqay Isbahaysi Milliteri oo ka dhan ah Argagixisadda.

RIYADCaasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad waxaa looga dhawaaqay Isbahaysi ay ku mideysan yihiin 34 Dawladood oo Islaami ah, kuwaasi oo u midoobay inay Ummadda Islaamka laga badbaadiyo Kooxaha Shar-wadayaasha ee Argagixisadda.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Saakayto baahisay War-murtiyeedka Isbahaysiga dowladaha Islaamka ee La-dagaalanka Kooxaha Khatarta ku ah Islaamka ee geysta Falalka Argagixisadda.

Isbahaysigaasi waxay Xaruntiisa Dhexe ee Xiriirinta iyo Taageeradda Hawlgalladda Milliteri noqonaysaa Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad.

MOHAMED BIN SALMANWasiirka Gaashaandhiga, ahna Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa saakayto Suxufiyiinta u sheegay Qorshaha Isbahaysigaasi, oo ay xubno ka yihiin 34-Dowladood oo kala ah: Sacuudiga, Somalia, Jabuuti, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Urddun, Baxrayn, Bangaladesh, Benin, Chad, Togo, Tunisia, Senigal, Sudan, Sieera Leone, Gabon, Gini, Falastiin, Komoros, Qatar, Ivory Coast, Kuweyt, Lubnaan, Libya, Maldevis, Mali, Malaysia, Masar, Moroko, Murutania, Nigeria, Niger iyo Yemen.

Dhinaca kale, 10-Dowladood oo ay ka mid tahay Indonesia ayaa taageeray Isbahaysiga, kuwaasi oo la filayo inay ku soo biiraan Hawlgalkaasi.

© Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor