Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka socda duleedka Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed kaas oo lagu soo waramayo inuu ka socdo deegaan duleedka ka ah degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka  Qalaan-qalle ee duleedka Dhuusamareeb,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka uu yahay mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaas uu sababay oo labada dhinac kala gaaray.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka Qalaan-qalle ee duleedka Dhuusamareeb ayaa waxa ay bilaabeen inay ka barakacaan goobaha lagu dagaalamayo si aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaalkaas.

Maamulka Galmudug masuuliyiintooda weli kama hadlin dagaalkaas u dhaxeeya labada beelood ee ka socda deegaan duleedka ka ah Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor