Muwaadin Somali oo Nin Liibiyaan ku dooxay Malta oo la xukumay.

 

maltaMaxamed Ibrahim Cabdalla oo ah Muwaadin Somali ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Gozo Court ee Malta, kadib, markii lagu helay inuu si xun u dooxay Nin Libiyaan ah oo  lagu magacaabo Miluud Elforjaani.

Labadooda ayaa la sheegay inay dhalo isku dooxeen bishii la soo dhaafay ee November 22-da, kadib, markii uu muran ku dhex maray Deegaanka Paseville.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxay Mohamed Ibrahim Abdalla oo deggan Marsalaforn ku xukuntay Xabsi labo sanno ah, isagoo lagu eedeeyey inuu si xun u dhaawacay Nin Libiyaan ah oo lagu magacaabo Miluud Elforjaani  oo 26 jir ah.

Sharciga Jesiiradda Malta waxa uu dhigayaa in Eedeysanihii dad ku dhaawaca Tooreey ama qalab kale uu muteysanayo Xabsi 3 sanno, balse, Xeer-beegtida ayaa sheegtay inay tixgeliyeen dhaawaca fudud ee laa gaarsiiyey Maxamed Ibrahim Cabdalla.

© Radio Dalsan