17 qof oo ku geeriyootay  Is-qarxin ka dhacday Baqdaad.

Hadal ka soo baxay Boliska dalka Iraq ayaa lagu sheegay in Nin watay Gaari Booyadle  Shidaal oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu xalay isku qarxiyey Bar Kontorool oo ay Boliska ku leeyihiin Koonfurta Baqdaad

Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay 17 qof, waxaana ku dhaawacantay ugu yaraan 60-qof.

3 ka tirsan Boliska ayaa geeriyootay, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi, inkasto ay Kooxda Daacish lagu yaqaano weeraradda noocaasi ah.

 

 

Dhinaca kale, Ciiddanka Khaaska ee Milliteriga Iraq ayaa waxay qarka u saaran yihiin inay Kooxda Daacish ka saaraan Masjid ku yaalla Galbeedka magaalladda Mosul.

Hawlgalka ay Milliteriga Iraq ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalladda Mosul ayaa waxa uu soo bilowday bishii October ee sannadkii hore.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media