17 muhaajiirin Soomaali ah oo lagu xiray dalka Masar

Ugu yaraan 31 muhaajiriin ah oo ay ku jiren 17 Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Rashiid ee dalka Masar sida laga soo xigtay saraakiisha dowlada Soomaaliya ee dalkasi.

Muhaajiriinta Soomaalida ah ee la qabtay waxa ku jira Haween iyo carruur waxaana lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Rashiid.

Dadkan la xir xiray ayaa laga qabtay agagaarka xeebta iyada oo doonayay iney doon ka raacan,waxa ayna ku sii wajahnayen dhinaca qaarada Yuurub.

Waxa jira tiro kale oo Soomaali ah oo iyagana ka baxsaday intii uu socday howlgalka lagu xor xiray muhaajiriintasi,inkastoo aan la xaqiijin karin tirada inta ay dhan yihiin.

Dowlada Masar ayaa wada howlgalo ka dhan ah dadka tahriibaya ee ku nafsadooda ku biimeynaya qatar badda si ay u gaaran Yurub.