Hay’adda CCA oo qabatay Bandhig dhaqameed loogu dabaaldagayey maalinta Ciidul-fitriga

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA ayaa qabatay bandhig dhaqameed ballaaran oo lagu maamusayo maalinta Dhaqanka Somalia, kaasi oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee magaalladda Muqdisho.

Bandhigaasi waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 500 oo qof, oo isugu jiray Odayaal Dhaqameedyo, dhalinyaro , haween iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka G/Banaadir oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha hawlaha guud Cumar Shiikh Xuseen , gudoomiyayaasha degmooyinka Kaaraan , Dharkeenleey iyo Shangaani iyo afhayeenka G/banaadir .

Gudoomiyaha degmada Kaaraan C/Fataax Nuur Cali oo furay munasasbada ayaa amaanay doorka ay Hay’adda Wacyigerlinta Bulshadda ee CCA ka qaadato Hawlaha Nabadda , soo noolenta dhaqanka iyo ka wacyigalinta dhalinyarada dhaqamada aysan laheyn ee ku saleysan dagaalka iyo xagjirnimada.

C/Fataax Nuur Cali ayaa ku baaqay in la joogteeyo Barnaamijyadda lagu maamusayo Hiddaha iyo Dhaqanka Somalia si loo baabiyo dhaqamada la soo minguuriyey oo aysan Soomaalidu asalka u laheyn.

Cumar Xuseen xoghayaha qorsheynta G/Banaadir ayaa dhinaciisa balanqaaday in ay kala shaqeeynayaan CCA sidii hawsha ay wadaan loo balaarin lahaaa , waxuuna sheegay in amaanka magaalada Muqdisho oo soo hagaagay taasna loo tiirin karo bandhigyada nabadeed ee nuucaan ah ee loo qabto bulshada munaasabadahan oo kale .

Max’ed Cabdi Xasan “Sandheere “ agaasimaha CCA Muqdisho oo soo xiray munaasabada ayaa sheegay in CCA ay mar walba ka go’antaahy sidii jiilka soo koraya loo bari lahaa dhaqankooda saxda ah loogana wacyigalin lahaa dhaqamada dalka la keenay ee aanan laheyn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciida loogu aadiyey munaasabadan muujin dhaqan iyo in is dhaxgal bulsho la sameeyo lagana wacyigaliyo dhalinyarada fikradaha khaldan.

Munaasabada ayaa waxaa heeso , ciyaaro dhaqan oo nuuc walba leh ku soo bandhigay kooxda Wabari qeybteeda ciyaaraha dhaqanka iyo sdioo kale kooxda degmada Kaaraan oo heesaha Ciida madasha ka qaaday.

CCA ayaa ah mar walba hay’ad u taagan soo nooleynta dhaqanka iyo ka shaqeynta wacyigalinta dhalinyarada iyadoo ay gobolada dalka ka sameysay olole so nooleyn dhaqan iyo barnaamijyo is dhaxgal bulsho.

CCA EID ALFITRI  (1)CCA EID ALFITRI  (2)CCA EID ALFITRI  (3)CCA EID ALFITRI  (5)CCA EID ALFITRI  (6)CCA EID ALFITRI  (7)CCA EID ALFITRI  (8)CCA EID ALFITRI  (10)CCA EID ALFITRI  (11)CCA EID ALFITRI  (15)CCA EID ALFITRI  (13)