11-qof oo lagu dilay dagaal beeleed ka dhacay Ethiopia

Afhayeenka Dowlad-gobaleedka Oromiya ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay iska horimaad isbuucan dhex maray Maleeshiyo ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Oromadad iyo Amxaarada ee ugu badan dalkaasi.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Addisu Arega Kitessa ayaa soo saaray hadal-qoraal oo uu kaga hadlay khasaaraha ka dhacay Iska-horimaadkaasi.

Waxa uu tilmaamay inay dagaalladu ka dhaceen 2 Degmo oo ku taalla Galbeedka Gobalka Oromiya, kadib, markii ay isku dhaceen Dibadbaxayaal ka kala socday labada dhinac.

“ 8 qof oo ka soo jeeda Oromada iyo 3 Amxaaro ah ayaa lagu dilay iska horimaadkaasi oo sababay in la weeraro Goobo Ganacsi oo ay dad Ajnabi lahaayeen, oo ay ku jireen Beetaha Ubaxa la dhoofiyo.

Iska horimaadkan ayaa ku soo beegmay iyadoo bishii hore dagaal dhex maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda wada deggan dalkaasi.

Dagaalkaasi waxaa lagu dilay ku-dhawaad 100 qof oo labada dhinac ah, waxaana ku barakacday in ka badan 50-kun oo qof.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media