Maraykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay Taageeradda Hawlgalka AMISOM iyo Ammaanka Kenya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo oo Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya waxa uu hubaal uga dhigay inay Maraykanka sii wadi doonaan Taageeradda ay Kenya ka siiyaan Ammaanka iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Madaxwyne Uhur Kenyatta iyo Wasiir Mike Pompeo waxay shalay ku wada hadleen Khadka Telefoonka, iyagoo isla wadaagay Hadafkooda la xiriira La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Argagixisadda, Nabadda Gobalka iyo Dowlad-wanaagga.

Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Heather Nauert oo soo saartay hadal-qoraal waxay sheegtay inay Madaxweynaha Kenya iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka isla eegeen qaababka ay uga wada shaqeyn karaan sidii loo dhamayn lahaa Colaadda ka socota dalak Koonfurta Suudaan iyo sidii loo soo wadi lahaa Taageeradda la siiyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ka hawl-gala daalka Somalia.

Dhinaca kale, Wada-sheekeysiga Labadaa Hoggaamiye ayaa ku soo beegantay, iyadoo la filayo Danjraha Maraykanka u jooga Kenya, Robert Godes lagu bedeli doono Danjire cusub ee uu Madaxweyne Donald Trump dhawaan soo magacaabay, kaasi oo oo lagu magacaabo Kyle McCarter.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media