​Ugu yaraan 140 qof oo Ethiopian ah oo lagu dilay xuduudka dalka Koonfurta Sudan

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in maleeshiyo hubeysan oo ka timid Koonfurta Sudan ay dileen ugu yaraan 140 qof oo ay ku jireen Haween iyo Carruur ku noolaa Deegaanka Jakaya ee Gobalka Gambeella ee Ethiopia, kuna dhow xuduudka labada dal.

Qoraalka waxaa kaloo lagu shegeay inay Ciiddanka Ethiopia ka gudbeen xuduudka, isla markaana ay soo dileen 60 ka mid ah Maleeshiyadda hubeysan ee dadka rayidka dilay.

Maleeshiyadda weerarka geysatay ayaa la sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn dowladda Koonfurta Sudan ama Kooxaha kale ee hubeysan ee ka dhisan dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor