Warar Dheeraad oo Ka Soo Baxaya Dilka Sarkaal Ka Tirsanaa Nabad Sugida oo Lagu Toogtay Muqdisho

Waxaa faah faahino ay ka soo baxayaan dilka sarkaal ka tirsan NISA oo ay saakay kooxo Bastoolada ku hubeysan ay ku toogteen degmada Shibis, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, waxaana uu ahaa Sarkaal Sare oo ka tirsanaa ciidanka NISA ee dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay taliska nabad sugida, isagoo mar soo noqday taliyihii hogaanka ee arrimaha dibada, marna waxaa uu soo noqday taliyihii hogaanka howlgallada ee ciidanka nabad sugida oo uu waqti ka shaqeynayey howlgalada NISA.

Allaha u naxriistee Marxuumka waxaa saakay kooxo hubeysnaa ay ku dileen meel wax yar u jirta isgooska Maana-boolyo ee dhanka Shibis,xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo uu dhismo ka socday, waxaana la sheegay in kooxihii ka danbeeyey dilka ay goobta ka baxsadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media