HomeWarar(War-saxaafadeed): Michael Keting oo walaac xooggan ka muujiyey dagaalladda ka soo cusboonaaday...

(War-saxaafadeed): Michael Keting oo walaac xooggan ka muujiyey dagaalladda ka soo cusboonaaday Gaalkacyo.

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

 

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inuu ka xun yahay dagaaladii shalay ka dhacay Gaalkacyo, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 3 qof, kuna dhaawacmeen dhowr kale.

Waxa uu ugu baaqay dhamaan Kooxaha isku haya Gaalkacyo inay xushmeeyaan Heshiiskii Xabbad-joojinta ee ay wada saxiixeen.

War-saxaafadeedka waxaa lagu muujiyey tan iyo markii la kala qaaday Ciiddanka bishii November 18-dii ee sannadkan inay Guddiga Isku-dhafka ee Maamulka Deegaanka iyo Odayaasha Puntland iyo Galmudug sameeyeen dadaal lagu doonayo in la dhowro Xabbad-joojiyo, iyadoo loo marayo Wada-xaajood.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa uu ugu baaqay Maamuladda Galmudug iyo Puntland inay xaliyaan Kala-duwanaanshahooda iyo inay si degdeg ah ugu heshiiyaan tallaabooyin lagu qaadayo Jid-gooyada, lagu furayo Waddooyinka in Ciiddamadda la kala qaado dib-u-dhac la’aan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Qas-wade kasta ee ka soo horjeeda Nabadda iyo Deganaanshaha la kormeeri doono

Dhinaca kale, Michael Keating waxa uu tilmaamay inay xaalladda Gaalkacyo kordhisay Walaaca Khatarta ee Hawlaha Samafalka Aadminimo, iyado jidadka xiran dhibaato ku noqdeen Gadaiidka wada shixnadaha Samafalka ee loogu talagalay dadka ay Abaaruhu dhibaateeyeen

Ugu dambeyn, War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxaa loogu baaqay Madaxda Galmudug iyo Puntland inay sii wadaan dadaalkooda Hoggaamineed si Xal Nabadeed looga gaaro Xiisadda iyo in xal degdeg loo helo Jid-gooyadda Waddooyinka, si hubaal looga ddhigo Ammaanka iyo Dhaqdhaqaaqa xorta ee Shaqaalaha Samafalka iyo  shayda ay wadaan  loo gaarsiin lahaa dadka u baahan Gargaarka Aadminimo ee Degdegga ah.

 ©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories