Mogadishu, March 01 , 2015 – Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa dadaalada Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku aadan Soomaaliya iyo kaalinteeda wax ku oolka ah ee yareynta dhibaatada bani’aadanimo ee shacabka Soomaaliyeed.
Waaxaanu xushmeyneynaa kaalinteeda bani’aadanimo ee lagu daweynayo dhaawacyadii weerarkii argagaxiso ee lagu beegsaday Central Hotel , Maalintii Jimcaha , kuna beegneed February 20 , 2015 , iyadoo dowladda Imaaraatka ay soo dirtay diyaarad lagu daad gureeyay dhaawacyada 13 ruux , si loogu fidiyo adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.
Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u jeedineynaa Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta HH Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan , Dhaxalsugaha Abudhabi ahna Kuxigeenka Taliyaha sare ee Ciidamada HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweyne kuxigeenka , Ra’iisul wasaaraha ahna Xaakimka Dubai HH Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum , iyo shacabka Walaalaha aan nahay ee Imaaraat-ka , waxaanu u rajeyneynaa Ammaan, deganaansho iyo horumar .
DHAMMAAD