Shirkii Maaliyada dalka oo lasoo Gaba-gabeeyay iyo Qodobo laga soo saaray

Waxaa la soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo Maanta Kismaayo uga socday iyadoo wasiiradu ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isla markaana waxaa ka qeyb galay Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada maamu Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalka Somalia laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay usoo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka taas oo ah wax mudo ay sugayeen shacabka soomaaliyeed.

Shirka u dhexeeyay Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya iyo Wasiirada maamu Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay isku raaceen Madaxda.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed laga soo saaray Shirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media