HomeWararWAR-MURTIYEED-Baaq ku saabsan khilaafka siyaasadeed oo ka jira Baarlamaanka Jubaland

WAR-MURTIYEED-Baaq ku saabsan khilaafka siyaasadeed oo ka jira Baarlamaanka Jubaland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay si aad ah uga xuntahay xiriirka sii xumaanaya ee Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada jira iyo kuwa samaysmaya. Waxaan u halgamaynaa midnimada iyo Dimoqoraadiyanta Somalia, sidaa darteed isku duubnida iyo wada jirka dhammaan qaybaha Bulshadeenu ka kooban tahay waa lama huraan. Midnimo iyo wadjir la’aan kuma guulaysan karno hayaankaan ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay si aad ah uga xuntahay xiriirka sii xumaanaya ee Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada jira iyo kuwa samaysmaya. Waxaan u halgamaynaa midnimada iyo Dimoqoraadiyanta Somalia, sidaa darteed isku duubnida iyo wada jirka dhammaan qaybaha Bulshadeenu ka kooban tahay waa lama huraan. Midnimo iyo wadjir la’aan kuma guulaysan karno hayaankaan ugu jirno in doorasho xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo Somalia 2016. Khilaafka iyo isqabqabsigu waxay baabi’inayaan horumarkii la sameeyey waxayna dib noogu celinayaan waddadii khasaaraha iyo burburka.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay muujinaysaa welwelka wayn oo ay ka qabto khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka Federaalka iyo Maamul Goboleedka ku meel gaarka ah ee Jubba oo salka ku haya sharciyadda samaynta Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubba. Madashu waxay labada dhinacba ku boorrinaysaa kana codsanaysaa inay ka waantoobaan wax kasta oo keeni kara hurgumo iyo iska hor imaad, khilaafka jirana lagu xalliyo si nabadgelya ah oo walaaltinimo ku dheehan tahay iyadoo maslaxada Dalka la xeerinayo.

- Advertisement -

Si aan hore ugu socono, Dadkeenu waxay madaxdooda ka filayaan hoggaamin fiican, wax qabad la taaban karo iyo daacadnimo, mana aqbalayaan siyaasiyiin maalin kasta is-haysata oo luminaya wakhti qaali ah oo aynaan ka maarmin.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay aaminsantahay kuna shaqaynaysaa in Ummadda Somaliyed laga dhex abuuro isafgarad, laguna hoggaamiyo siyaasad hufan, waxayna mar kasta diyaar u tahay inay raadiso xalkii la isugu keeni lahaa dhinacyada is haya.

Dhamaad

- Advertisement -

###

Faahfaahinta war-murtiyeedkaan, fadlan la xiriir Xoghayaha Guud
Madasha, Dr. Ali Mohamed Mohamud, Tel No: +252615199050 E-mail:madasha.sfud@gmail.com

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts