WAR DEGDEG AH: Qarax caawa ka dhacay Nairobi

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Fiidnimaddii caawa ka dhacay gudaha gaari Bas (Matatu) oo ka dhex shaqeeya Deegaanka Umoja ee magaalladda Nairobi.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay ku gubteen faliiradda ka soo haadayey waxyaabihii qarxay.

Baska uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Deegaanka Kayole.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dab ka kacay Batariga Baska, ka hor intaysan maqlin qarax weyn.

Saraakiil kale ayaa sheegay inay suurtogl tahay inuu qof ka mid ah Rakaabka uu  Jirgaan uu Bansiin ka buuxay ku dhex watay Baska.

Taliyaha Boliska Nairobi, Japeth Koome waxa uu sheegay inaan weli la garanin waxa sababay qaraxaasi, iyadoo uu basku aad u gubtay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxaha baara qaraxyadda u direen goobtaasi, si ay u soo qiimeeyaan xaalladda.

Gawaarida Ambalaasta ayaa la arkayey iyagoo dadka ku dhaawacmay qaraxaasi  u sii daad-gureynayo Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor