Waqtigii loo asteeyay Qabashada doorashada Aqalka sare oo dib u dhac uu ku yimid

Waxaa dib u dhacday qabashada doorashada Aqalka Sare oo horay loo shaaciyay in la qabanayo ugu dambeys maanta, waxaana hadda muuqata dib u dhac uu ku yimid waqtigii loogu talagalay in la qabto.

maanta oo taariikhdu tahay 14 Janaayo ku eg waqtiga uu Guddiga doorashada lagu muransan yahay u asteeyeen qabashada doorashada Aqalka Sare, waxaana guddiga doorashada uu yahay mid wali lagu muransan yahay oo aysan heshiis ku ahayn dhinacyada ka qayb galaya doorashada dalka.

29 bishii december uu shaaciyay Guddigu shaaciyay la qaban doono doorashada Aqalka sare, waxaana Jadwalkii is bedelka lagu xusay in tartanka kuraasta Aqalka Sare in la qabto inta u dhaxeysa 7-14 Janaayo, balse taasi uma muuqata mid macquul ah ama dhici karta.

Horay ayaa waxaa fashil ugu yimid jadwalka doorasho oo ay soo saaraan guddigan lagu muransan yahay, waxaana khilaafka ugu weyn ka taagan dhanka Musharaxiinta mucaaradka ah oo aan ku qanacsanayn Guddigaan, waxaana ay horay u shaaciyeen in loo baahan yahay in wax ka beddel lagu sameeyo guddigaan.

Comments
Loading...