Waqtiga uu xilka la wareegayo Madaxweynaha Puntland oo la shaaciyay

Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in dhawaan uu sirasmi ah ula wareego xilka Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magalada Garoowe waxaa lagu doortay 8-dii Bishaan Janaayo,waxaana la filayaa in 14 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah uu xilka la wareego.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in munaasabad lagu qaban doono  Magalada Garoowe  u xilka ku wareejiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland ayaa laga sugayaa in mudo Saddex todobaad Gudahood ah in uu kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada,waxaana horyaalla Shaqooyin adag iyo in uu isbedel la yimaado.

Tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu waday kulamo kala duwan,waxana Maanta uu kulan la qaaday Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor