Wakaalladda Wararka dalkaasi ee KCNA ayaa sheegtay inuu Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un si toos ah u hagayey Tijaabinta Gantaalkaasi oo noociisu ahaa PUKGUKSONG 2, kaasi oo awood u leh inuu qaadi karo madaxyadda hubka Nukliyeerka.
Wakaalladda waxay kaloo tilmaamtay in Gantaalkaasi loo tuuray xagal sare, iyadoo laga fekerayo Ammaanka dalalka deriska la ah Waqooyiga Kuurya.
Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Milliteriga dalka kale ee Koonfurta Kuurya ayaa sheegay in Gantaalkaasi ku habsaday meel ka baxsan Gacan-biyoodka Kuurya, kuna wajahan Japan.
Tijaabadaasi ayaa ah tii ugu horreysay ee ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyaan, tan iyo markii la doortay Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump.
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa laga codsaday inay galabta isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah oo looga tashan doono Tijaabinta W/Kuurya ee Gantaalkaasi wax ka dili kara masaafo dhan 500 KM.
©Radio Dalsan