Waqooyiga Kuurya oo mar kale tijaabisay Gantaal Balaastik, xilli kuwo kalena la filayo

Gantaalladaasi ayaa la sheegay in lagu tijaabiyey dhanka Badda, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Koonfurta Kuurya oo indhaha ku haysa Tijaabooyinka Waqooyiga Kuurya.

Taliyaha ugu sarreeya Ciiddanka Koonfurta Kuurya waxa uu tilmaamay in Gantaallada ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen aoo wax ka duqeyn kara masaafo dhan 248 KM, ay ku dhaceen Badda u dhexeysa Gacan-biyoodka Kuurya iyo dalka Japan.

Tijaabadaasi ayaa waxaa la sameeyey saacado kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump sheegeen inuu Qoraal qurux badan ka helay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

Trump waxa uu sheegay inuu Qoraal ka kooban saddex Bog ka helay Kim Jong Un, wuxuuna sheegay inaysan aahayn wax laga walaaco Tijaabadda Gantaalladda ridada gaaban ee ay Waqooyiga Kuurya maalmahn tijaabinayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media