Waqooyiga Kuurya oo Dab-ridkii ugu ballaarnaa ku maamustay Asaaska Ciiddanka dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Ciiddanku u dabaal-degayaan 85-guuradii ka soo wareegtay Asaaska Ciiddanka Dadka Kuurya, isla markaana ay isku diyaarinayaan inay iska difaacaan Maraykanka.

Dhoolatuskaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Markab Dagaal oo ay Maraykanka leeyihiin ku soo xirttay Deked ku taalla dalka Koonfurta Kuurya.

Markabkaasi oo ah nooca Badda quusa ee GUJISKA ayaa waxa uu sii kordhinaya walaaca xoogan ee laga qabo Barnaamijka Nukliyeerka iyo Gantaalladda ee W/Kuurya.

Imanshaha Markankaasi ayaa timid, iyadoo Koox Maraakiibta Dagaalka Maraykanka u soo jiheysteen Biyaha Kuurya

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku baaqay in laga hortago Waqooyiga Kuurya, ka hor intaysan awoodin inay Maraykanka ku soo garaacin Hubka Nukliyeerka

©Radio Dalsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media