Waqooyiga Kuurya oo baaq u diray Mareykanka

Hadal-qoraal oo  ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Waqooyiga Kuurya ayaa lagu sheegay in Tallaabadda ay Maraykanka ku qabteen mid ka mid ah Maraakiibtooda Xamuulka uu yahay  fal sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah  Wada-xaajoodkii u dhexeeyey Labada Hoggaamiye ee Trump iyo Kim Jong Un.

Dowladda Maraykanka waxaa loogu baaqay in dib loo soo celiyo Markabkaasi oo lagu magacaabo Wise Honest, kaasi oo ay Mariniska Maraykanka gacanta ku dhigeen isbuucii hore.

Qoraalka ka soo baxay Waqooyiga Kuurya waxaa kaloo lagu sheegay inay qalad weyn noqon doonto, haddii ay Maraykanka rumeysan yahay inay Waqooyiga Kuurya xoog ku maamuli karaan, isla markaana ay indho taxadar leh ku eegi doonaan Dabeecadaha Maraykanka ee mustaqbalka.

Dhinaca kale, Waxada Garsoorka ee Maamulka Maraykanka waxay isbuucii hore sheegeen inay gacanta ku dhigeen Markab Xamuul oo ay Waqooyiga Kuurya leedahay, kaasi oo haatan lagu hayo Jesiiraddaha Maraykanka ee Samoa ee Koonfurta Badweynta Pacific Ocean.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media