Iyadoo ay Wanlwaweyn xiisad qabi’il ka taagan tahay sadexdii cisho ee ugu dambeeyey ayuu wariye ka tirsan TV-ga Universal ka qoray dhacdo aabihi lagu dili lahaa xalay waxuuna sheegay in ardey uu macalin u ahaa ay dili rabee.
Koox ku hubeysan qoryaha fudud ,Baangado iyo Mindiyo ayaa xalay saqdii-dhexe weerar ku soo qaaday guriga uu Aabbahay, Ibraahim Bulbul ka degan yahay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ujeedka kooxdan ayaa ahaa in ay si arxan darro ah u dilaan Aabbaha, laakin xag rabbi kama aysan dhicin xalayna kuma uusan hooyan hoygiisa.
Weerarkan lagu qaaday Aabe Ibraahim Bulbul ,waxa uu salka ku haayaa aanna qabiil ,waxaana la sheegay in weerarkan dadka geystay ay ku jiraan Wiilal uu macallin u ahaa Aabbaha, kuwaas oo ku ixtiraami waayay cilmigii uu soo baray.
Degmada Wanlaweyn ,waxaa ku dagaalamaya laba beelood oo walaala ah, isla markaana isla dega degmada iyo degeennada ka agdhaw , waxaana waqtigan kacsan xaaladda degmadaas.
Si kastaba Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in joojinta Colaada kasoo cusboonaatay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.