Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo dalab u gudbiyay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Wakiilada ka socday Beesha Caalamka ayaa waxaa la sheegay in Madaxweynaha Puntland u gudbiyeen dalabkooda ah in uu ka qeybgalo shirka dhameystirka is afgaradkii Magaalada Baydhabo, sidii loo saxiixi lahaa heshiiskii 17-kii September loo fulin lahaa.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa weli kasoo Jawaabin baaqii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa ka qeyb galka shirka ka dhacaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wafdiga uu Maanta kulanka la qaatay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander iyo xubno kale.

Comments
Loading...