Wakiilka QM ee Somalia oo fariin adeg u diray Guddiga Doorashada Jubbaland

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhawaan uu ka dalbaday inay fuliyaan Guddiga Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland,kadib markii dhawaan uu tegay Kismaayo.

James Swan ayaa Guddiga Doorashada Jubbaland ka Codsaday inay si toos ah u fuliyaan qodobo uu hordhigay Guddigaas,kuwaasi oo uu kamid ahaa in Doorashada Madaxweynaha Jubbaland dib loo dhigo,isla markaana arrintaas uu Guddiga fuliyay,isagoona uga mahadceliyay.

War qoraal ah oo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre ayuu ku sheegay in weli aysan Guddigiisa buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado.

Sidoo kale James Swan ayaa Carabka ku dhuftay in aysan aqoonsanaan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Doorashada Jubbaland hadii aan si dhab ah loo fulin qaar kamid ah qodobadii uu ka Codsaday Guddiga Doorashada.

Shalay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay Doorashada Guddoonka Cusub Baarlamaanka Jubbaland,hayeeshee waxaa dhammaan dib u soo laabtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulkaas iyo labadiisa ku-xigeen.

Dhinaca kale Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 22-ka Bisha oo ku beegan Khamiista soo socota.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media