Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Nicholas Haysom, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya shaqadiisa.

Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa baddali doona Michael Keating oo waqtigiisii shaqada uu dhamaaday.

Keating ayaa shaqada xafiiska UNSOM soo hayey tan iyo bishii Nofembar 2015.

Haddaba waxaan halkan ku eegaynaa nolosha iyo shaqada Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom waxa uu dhashay 1952, waana aabbe leh 5 caruur ah.

Mr Haysom ayaa cilmiga sharciga ku bartay jaamacado ku yaalla Natal iyo Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Sannaddii 2012, waxa uu shahaadada PHD ka qaatay jaamacada Cape Town.
Khibraddiisa shaqo.

Nicholas Haysom ayaa waxa uu horey uga soo shaqeeyay dhowr dal isaga oo wakiil ka ahaa Qaramada Midoobay.

Ka hor inta aan loo magacaabin Soomaaliya waxa uu ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabailsan South Sudan, jagadaasi oo uu hayay ee 2016.
Mr Haysom waa qareen khibrad dheer u leh arrimaha dimuqraadiyada iyo dowlad wanaagga.
Waxa uu sidoo kale ku xeel dheer yahay arrimaha dib u heshiisiinta, dastuurka iyo isbaddalada shuruucda doorashooyiinka iyo dastuurka.
Nicholas Haysom ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyay dalal kale oo ay dagaalo sokeeye iyo daganaashiyo la’aan ay ka jirto.
Sannadihii u dhaxeeyay 2014 iyo 2016, waxaa uu ahaa ergaygii gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qabilsanaa dalka Afqanistaan.
Mr Haysom ayaa sidoo kale intii u dhaxeysay 2005 to 2007 ahaa madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee dowladdii Ciraaq ka taageerayay dastuurka.

Wuxuu ku lug lahaa geeddi socodkii wadahadallada nabadda ee Burundi, isagoo guddoomiye ka ahaa guddiga wadaxaajoodka arrimaha dastuurka 1999 – 2002.

2002 iyo 2005, Mr. Haysom waxaa uu ahaa la taliyihii dhedhexaadinta ee geedi socodkii nabadda ee Sudan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor