Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi Xildhibaano ah oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ay kamid yihiin Senatar Yuusuf Geelle Dhageey, Xildhaan Xuseen Iidow iyo xubno kale, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaano.
Xildhibaanada oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay Dhuusamareeb u tageen, sidii ay u bilaabi lahaayeen Olole ay ku doonayaan in mar kale ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo kala hadli doona Ololahooda Doorashada ee Xildhibaanimo.
Dalka Soomaaliya ayaa aaday Doorasho dadban, kadib markii ay heshiis rasmi ah Doorashada 2020/2021 ka gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.