Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa Maanta waxaa ay ku sugan yihiin degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in Ujeedka Taliye Fahad Yaasiin ee Doolow ayaa waxaa uu yahay dhameystirka heshiis muddo laga shaqeynayay oo u dhaxeeyay C/rashiid Janan iyo dowladda Federaalka.
Sidoo kale Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa sida uu qorshahu yahay u sii gudbi doona degmada Beledxaawo, si uu halkaas ugu ku soo dhoweeyo Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, waxaana lagu wadaa in isla maanta la keeno Muqdisho.
Warar kale ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu maalmaha soo socdo u gudbi doono dalka Turkiga, halkaasoo dowladda Federaalka ay ku deegaameyneyso, sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu soo saarto warqad lagu cafinayo, maadaama loo heystay dambiyo la xiriira xuquuqda bani’aadanimada.
Degmada Doolow ayaa waxaa shalay dowladda ay ka dejisay diyaarad sida gadiidka nooca aan xabadda karin ee loo yaqaano Bullet-proof, iyadoona halkaas uu gaaray Kaaliyaha Xafiiska Taliyaha NISA C/llaahi Kulane.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa saakay xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo heshiis la galay dowladda Federaalka.