HomeWararWafdi Maanta ku wajahan Degmo ay ka taagan tahay Xiisad Dagaal

Wafdi Maanta ku wajahan Degmo ay ka taagan tahay Xiisad Dagaal

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Xasan Cali Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan. Ujeedka wafdiga ka socda Hirshabeelle oo ay qeyb ka yihiin Odayaal iyo xubno kale ayaa waxaa uu yahay sidii ay u xalin lahaayeen xiisad dagaal oo maalmihii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Xasan Cali Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka wafdiga ka socda Hirshabeelle oo ay qeyb ka yihiin Odayaal iyo xubno kale ayaa waxaa uu yahay sidii ay u xalin lahaayeen xiisad dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd degmada Buulo-burte.

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka iyo Mas’uuliyiin kale oo la socda ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Buulo-burta iyo Odayaasha dhaqanka degmadaas, iyagoona kala hadli doona sidii xal buuxa looga gaari xiisada ka taagan halkaas.

Xiisadaan dagaal ayaa ka dhalatay, kadib markii Ciidanka amniga Buulo-burte ay xireen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo weerar ku qaaday Saldhiga Magaalada, uuna halkaas ka dhacay dagaal kooban oo labada dhinac dhexmaray.

Ciidanka amniga  ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaaq14 kamid ah maleeshiyaadka, halka kuwo kalena u yeeray markii ay xaalada degtay, kadibna xabsiga dhigay, waxaana xariga raggaas loo geystay ka xumaaday Odayaasha dhaqanka degmadaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts