Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa Wasiirka iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug sida Wasiirka Wasaradda, Wasiir ku-xigeenka Wasaradda, Duqa Magaalada iyo xubno kale.
Safarkan Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda uu ku tegay Dhuusamareeb ayaa la xiriira u kuur-galida mashruuca baxnaano ee taakuleynta dadka Abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan Gobolka.
Inta uu ku sugan yahay Caasimadda Maamulka, Wasiir Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoo Warbixin kasiinaya ujeedka safarkiisa iyo Arrimo kale.