Wafdi ka socday QM iyo EU oo gaaray Dhuusamareeb, lana kulmay MW ku-xigeenka Galmudug

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ay weheliso Guddomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Galmudug Faadumo iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug ayaa Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Wafdi balaaran oo ka kale socda UN ,EU iyo IOM.

Madaxweynaha iyo Wufuudan Caalamiga ah ee soo garay Caasimada Galmudug ee dhusamareeb ayaa ka wada hadlay dardargalinta Mashaaricda ka socota Galmudug iyo kuwa dhawan laga bilaabi doono.

Madaxweynaha ayaa ku dhaliilay Hay,adaha caalamiga ah ee Galmudug ka shaqeeya in aysan shacabka u qaban wax la taaban karo sanadihii  la so dhaafay waxana uu ugu baqay in ay laba laabaan shaqada ay ka hayan Galmudug oo ah State nabad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor