Wafdi ka socday Hindiya oo markii ugu horreysay Magaalada Kabuul kula kulmay Taliban

Wafdi ka socda dalka Hindiya oo uu hoggaaminayay xog hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

JP Singh iyo xubnaha kale ee qaybta ka ahaa wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taliban Amir Khan Mutaqqi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadannimo.

Waa markii ugu horraysay ee wakiil ka socda dowladda Hindiya uu gaaro Kabul tan iyo markii ay Taliban awoodda dalkaas la wareegeen bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

Sida ay qortay BBC-da laanteeda Pashto, kulanka kaddib Mutaqqi ayaa sheegay in booqashada wafdiga reer Hindiya ay ahayd mid wanaagsan. Waxa uu intaas ku daray in Hindiya looga fadhiyo inay dib u cusboonaysiiso xiriirka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor