Wafdi ka socday Hay’ad Caalami ah oo gaaray Magaalada Garoowe

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan  oo ay waheliyaan Wasiirku kuxeeganka Wasaaradda Abdinaasir Yusuf Xaaji  iyo Agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan  ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ka socday hay’adda WFP Soomaliya.

Weftiga WFP oo ay hogaaminaysay Lara Fossi ku xigeenka Madaxa WFP ee Soomaaliya, waxaana ay masuuliyiinta wasaaradda la wadaagtay mashaariicda socota ee ay ka wada shaqaynayaan wasaaradda.

“ Mudane wasiir iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda waxaan ku faraxsanahay kulankaan maanta aan wada yeelanayno kaasoo aan iskaga waraysanayno halka ay marayso mashaariicda socota ee aan ka wada shaqaynayno iyo sidii loo sii hormarin lahaa” ayuu yiri Lara Fossi ku xigeenka Madaxa WFP ee Soomaaliya.

Dr Jamac Farax Xasan wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu horayn uga mahadceliyay hay’adda WFP wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa iyo sida ay uga go’antahay ka wasaaradd ahaan inay sii xoojiyaan mashaariicda soco.

Wasiirka ayaa Mas’uuliyiinta ka socday WFP la wadaagay inay rabaan inay qayb ka noqdaan qorshaha wasaaradda ee 2021 taasoo ay ugu horayso sidii adeeg Caafimaad loo gaarsiin lahaa meel kasta oo ay joogaan shacabka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor